Saciid Deni oo daboolka ka qaaday wadahadal iyo garnaqsi ay la yeesheen dowladda dhexe kaasoo saaray war cusub

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wadahadal iyo garnaqsi ay la yeelato madaxda dowladda Soomaaliya, isla markaan ay wadahadalkeeda saldhiga uga dhageyso sharciga iyo wixii lagu hishiisay, sida uu ka dhawaajiyay Deni.

Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in haddii Puntland laga gar-yeesho ay qaadi doonyto tallaabo ku aaddan  in ay garbaxdo, balse aysan aqbaleyn in la maquuniyo oo l dardaro, sida uu hadalka u dhigay.

Warkaan ka soo yeeray Hoggaamiyaha maamulkaas ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Puntland ay xiriirka u jartay wadashaqeyntii kala dhexeysya hey’adaha dowladda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku dhawaaqay in ay u dhaqmi doonaan sidii dal madax bannaan oo kale.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed