La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dastuurka oo si kulul uga hadlay maqnaanshaha madaxweynaha Puntland ee wadahadalada dastuurka

La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Dastuurka, Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Hoggaamiyaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni, inuu uga baaqday miiska wada-hadallada, sababo la xiriira dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

Lataliyaha oo wareysi siiyay mid ka mid ah Telefishinada maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Puntland ee ku jira baarlamaanka federaalka ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalka, isagoo xusay in madaxweyne Deni uu u muuqdo midka kaliya ee kasoo horjeeda isbedeladaas, sida uu hadalka u dhigay.

Xuseen ayaa ku nuux-nuux saday in labada aqal ee baarlamaanka ay awood u leeyihiin dastuurka, wuxuuna ku booriyay dowlad goboleedyada inay ku kalsoonaadaan xildhibaanada ay u soo direen inay ku matalaan baarlamaanka federaalka.

Bishii Maarso, labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen afar cutub oo ka mid ah dastuurkooda, oo ay ku jiraan xorriyadda hadalka, matalaadda haweenka, iyo nidaamka hoggaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Hoggaamiyaha Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Somalia, Farmaajo iyo Sheekh Shariif, iyo siyaasiyiin kale ayaa ka soo horjeestay tallaabadii baarlamaanka ee wax ka bedelka dastuurka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed