Booliiska Soomaaliya oo xabsiga dhigay 15 qof iyo sababta ka dambeysa xilli ay soo saareen digniin culus

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ee ka hawlgala degmada Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa hawlgalo ay ka sameeyeen degmadaasi dhawaan galka ah,  waxay ku soo qab qabteen dad lagu soo eedeeyay inay dhibaato ka geysteen degmada Daarusalaam.

Booliska ayaa la sheegay in ay xireen ilaa 15 rag iyo dumar ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay abaabuleen mudaaharaad rabshado wata oo khasaare geystay.

War ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dadka la soo qabtay ay ku socdaan baaritaano culus, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Booliska ayaa sidoo kale digniin culus loogu diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imaanaya sharciga amniga.

“Shacabka ku nool caasimadda iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa inay ka waantoobaan ka qeyb galka isu soo baxyada sababi kara falalka amni darro” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska guud ee booliska Soomaaliyeed. .

Dibadbaxan oo ka dhacay deegaanka Daarusalaam ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dad dalbanayay in gudoomiyaha degmadaas laga soo dhex xulo beeshooda kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu dhawaaqay degmooyinka Gubadlee, Daarusalaam, iyo Garasbaaley in ay yihiin degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo la kordhiyay tirada guud ee degmooyinka gobolka Banaadir ilaa labaatan.

Aqoonsiga uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsaday degmooyinka cusub ayaa ah mid horumar u ah dadaallada lagu tayeynayo maamulka iyo adeegyada bulshada ee ka socda magaalada Muqdisho iyo deegaanada hoos yimaada. Marka la isku daro Gubadlee, Daarusalaam, iyo Garasbaaley, dowladdu waxay hiigsaneysaa in gobolladaas ay helaan taageerada lagama maarmaanka ah si ay u horumariyaan, ugana qeyb qaataan horumarka guud ee gobolka Banaadir.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed