Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Ruushka isla markaana Soomaaliya lagu warreejiyay warqado casuumaad ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macalin Fiqi, ayaa  Xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Ruushka u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov, oo aan dalka deganeyn.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, arrimaha bulshada iyo bini’aadantinimada.

Intii kulanka uu socday ayaa Wasiir Axmed Fiqi waxaa lagu wareejiyay warqada casuumaadda rasmiga ah ee ka qeyb galka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado in uu ka dhaco Sochi 11-12 November.

Madashu waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya Ruushka iyo waddamada Afrika ee qaybaha kala duwan, oo ay ku jiraan ganacsiga, maalgashiga, iyo horumarinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Ruushka ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay sare u qaadista xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha guud iyo horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u siiyay labada mas’uul inay is dhaafsadaan xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxay ka wada hadleen baahida loo qabo sii wadida taageerada caalamiga ah si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda iyo sidii loo horumarin lahaa horumar waara oo dalka ka dhaca.

Safiirka Ruushka ayaa ku celceliyay in dalkiisu uu garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii loo gaari lahaa nabad, amni, iyo kobac dhaqaale. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Ruushka.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen in la sii wado wada-hadalkooda iyo iskaashiga si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed