Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay xalay ka fuliyeen degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu beegsaday dad shacab ah.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Iga-dabagey oo ka tirsan degmada Garasbaaley, waxaana la sheegay in bartilmaameedku uu ahaa dukaan halkaasi ku yaalla, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.
Burcadda ayaa gudaha u galay dukaan, waxayna geysteen dhac aad u ballaaran, iyagoo dhaawacay wiil iyo Aabihiis oo xilligaas dukaanka ku sugnaa.
Dhaawaca wiilka iyo aabihiis ayaa hadda lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo ehelada dadkii la dilay ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno, maadaama labo ruux ay ku dhaawacmeen hantidoodana la dhacay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxihii falkaasi foosha xun geystay ay goobta isaga baxsadeen, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi.
Weerarkan ayaa la mid ah midka lagu qaado Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika oo inta badan ay dhac iyo dil u geystaan kooxo burcad ah oo dalkaasi ku sugan.
In la beegsado goobaha ganacsiga ayaa ah arrin ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana wararkan ay argagax ku beertay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
HBN NEWS DESK