Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa diyaarad sida gargaar muhiim ah u dirtay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dadaalkan ayaa ujeedadiisu tahay in gargaar cunto ah oo ay aadka ugu baahan yihiin la gaarsiiyo bulshada ku dhaqan deegaannada xadka iyo tuulooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka El Niño.
Agabkaan ayaa waxaa loo qeybin doonaa Qoysaska ku nool gobolka Bakool, halkaasi oo dad badan ay dhibaato xoogan kala kulmeen fatahaadii ugu dambeesay. Shixnaddan ayaa qayb ka ah dadaallada ay SoDMA ugu jirto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee gobollada ay sida ba’an u saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah.
Iyadoo SoDMA ay sii wado dadaalkeeda lagu yareynayo saameynta El Niño ee Soomaaliya, hay’addu waxay weli diiradda saaraysaa bixinta gargaar degdeg ah iyadoo sidoo kale ka shaqeyneysa xalalka mustaqbalka fog si loo kordhiyo adkeysiga ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah ee mustaqbalka.
HBN NEWS DESK