Dhacdo naxdin leh oo ka yaabisay bulshada ku dhaqan gobalada Galgaduud iyo Mudug, ayaa wiil 12 jir ah oo lagu magacaabi jiray Ayaanle Cabdisalaan Jaamac ay ku dileen maleeshiyo beeleed. Weerarka ayaa ka dhacay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo wiilkaasi laga soo qaaday magaalada Galdogob ee gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in Ayaanle ay bartilmaansadeen Maleeshiyo Beeleed kasoo jeeda degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo u muuqda mid aargoosi ah. Falkan arxan darada ah ayaa caro iyo falanqeyn ka dhex abuuray labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud, iyadoo ay soo ifbaxday arrimaha colaadeed ee qabyaaladda iyo aargoosiga ah.
Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee hoos taga maamulka Galmudug ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal salka ku haya aanooyin qabiil. Todobaadki hore oo kaliya ayay aheyd markii degmada Galdogob lagu dilay nin madaxa looga jiray, taasoo sii xoojisay xiisado iyo cabsi soo wajahday bulshada deegaanka.
Maamulka Galmudug ayaa la daalaa dhacaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen falalkan gacan ka hadalka ah, iyadoo ay sii kordhayaan dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, iyadoo Dowladda Federaalka Jimcihii ay ciidamo geysay dagaalkaasi. Dilka Ayaanle waxa uu xasuusin u yahay baahida degdega ah ee loo qabo faragelin wax ku ool ah si looga hortago khasaaraha nafeed ee kale iyo soo celinta nabadda gobolka.
HBN NEWS DESK