Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay rabshadaha sii kordhaya ee gobolka Waqooyiga Darfur ee Suudaan halkaas oo lagu dilay 58 ruux

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha sii kordhaya ee gobolka Waqooyiga Darfur ee Suudaan, iyadoo sarkaal sare oo ka tirsan bini’aadantinimada uu ku tilmaamay xaaladda sii xumaanaysa ee dhulka inay tahay “Jahannamadii Dhulka”.

Boqolaal kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa ku hoyda Ceel-Fasher iyaga oo aan haysan sahayda aasaasiga ah, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalladii u dhawaa ay isu beddelaan dagaal dhan walba ah oo lagu qaado magaalada, oo ah magaaladii ugu dambaysay ee ciidammada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ay ku xooggan yihiin galbeedka gobolka Darfur.

Qabsashadeeda waxa ay u noqon doontaa mid xoojin weyn u ah kooxda iska soo horjeeda ee Taageerada degdega ah (RSF) iyada oo quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahi ay isku dayayaan in ay ku riixaan dhinacyada si ay uga wada xaajoodaan soo afjaridda dagaal 13 bilood ah.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ugu yaraan 58 qof lagu dilay agagaarka el-Fasher tan iyo todobaadkii hore.

Afhayeen Ravina Shamdasani ayaa sheegtay in madaxa sare ee Qaramada Midoobay Volker Turk uu todobaadkan talefoon kula xiriray taliyaha ciidamada General Abdel Fattah al-Burhan iyo hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo, isaga oo ku booriyay in ay xiisada joojiyaan.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva, Shamdasani wuxuu ka digay Jimcihii in labadaba dagaalka El-Fasher, halkaas oo in ka badan 1.8 milyan oo qof oo deggan iyo dad gudaha ku barakacay ay hadda ku hareeraysan yihiin oo halis ugu jira macaluul, “inay saameyn xun ku yeelan doonaan rayidka. waxayna sii kordhinaysaa colaad beeleedka oo ay ka dhalan karto cawaaqib bini’aadantinimo oo xun”.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed