Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo aad u hubeysan u diray deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe si ay wax uga qabtaan dagaalada u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed halkaas ku dagaallamay muddooyinkii dambe. Maalmihii la soo dhaafay ayaa maleeshiyaadkan waxaa dhex maray dagaal gacan ka hadal ah oo sababay dhimashada in ka badan 20 ruux oo ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Biyo Cadde.
Ciidamadan loo diray deegaanka ayaa ujeedadoodu tahay in la kala dhex galo, lagana dhex dhexaadiyo beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay, soo celinta nabadda iyo xasiloonida deegaannadii ay colaaduhu ka dhaceen. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin, ayaa soo saaray awaamiir ku aadan sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaanadaasi.
Arintan ku soo korortay howlgalada booliska ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeysaa xaalada degdega ah iyo sida ay u adag tahay,maadaama dagaalo beeleed ay marar badan ka qarxeen gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada booliiska ayaa shaqadoodu tahay in aysan kaliya joojin rabshadaha degdega ah balse ay sidoo kale ka shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa si looga hortago isku dhacyada mustaqbalka.
HBN NEWS DESK