Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo arrimaha doorashooyinka iyo qodob kale kala hadlay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay wafdi uu hoggaaminayay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku jooga ku tagay maamulkaas, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin doorooshooyinka lagu wado inay dhacaan November 2024 ee sanadkaan.

Sida lagu baahiyay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan Ingiriiska iyo Somaliland iyo xasinloonida gobolka.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa Somaliland ku amaanay horumarka dimuquraadiyadeed ee ay samaysay, iyo nabadgalyada, iyada oo dhankiisa  madaxweyne Biixi u mahadceliyay socdaalka  safiirka.

Dowladda UK ayaa kamid dalalka ugu horreya ee daneeya, lana socda arrimaha doorashooyinka maamulkaas, isla markaana ka qeybta dardar gelinta iyo fududeynta arrimaha farsamo ee lagama maarmaanka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed