Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo shaacisay xukunka Sayid Cali oo lagu helay inuu u gubay xaaskiisa Luul A/Casiis

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir ayaa dil toogasho ah ku riday markii labaad Sayid Cali Macalin Daa’uud oo lagu helay in uu si bareer ah u gubay xaaskiisa Luul A/Casiis. Kiiskan oo soo jiitay indhaha dalka oo dhan, isla markaana kiciyay qaylo dhaan dadweyne, ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay, ka dib toddobaadyo oo dacwado adag oo dhinaca sharciga ahi socday.

Racfaan uu Sayid Cali Macallin Daa’uud ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku ridday bishii March ee sanadkii 2024-kii, ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay dhageysiga dacwadda adag ee Maxkamadda Racfaanka. Go’aanka ay maxkamaddu ku xaqiijisay xukunka dilka ah ayaa waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo ka mid ah hannaanka garsoorka Soomaaliya, kaasoo ka tarjumaya culeyska dembiga iyo caddaaladda loo raadinayo dhibane Luul Cabdicasis.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa timid markii Sayid Cali Macallin Daa’uud lagu eedeeyay inuu si bareer ah u gubay xaaskiisa, taasoo sababtay geerideeda.

Intii uu Racfaanka socday ayaa waxaa la soo bandhigay doodo sharci ah oo ay soo bandhigeen xeer ilaalinta iyo difaaca, iyadoo lagu eegayay xaaladihii ku xeernaa geeridii Luul A/Casiis iyo dambigii lagu soo eedeeyay Sayid Cali Macallin Daa’uud. Maxkamadda Racfaanka ayaa dib u eegtay cadaymaha, marqaatiyada, iyo horudhacyada sharciga ah ka hor intaysan xukumin.

Kiiska ayaa dhaliyay dood ku saabsan xuquuqda haweenka, ka hortagga xadgudubyada qoyska, iyo doorka nidaamka garsoorka ee wax ka qabashada arrimaha xasaasiga ah. Dhacdadaan ayaa kentay baaqyo ku aaddan ilaalinta sharciga iyo nidaamyada taageerada dhibanayaasha rabshadaha qoyska ee Soomaaliya oo dhan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed