Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti, si uu ula kulmo dhiggiisa dalkaasi, Dileita Maxamed Dileita.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in labada Guddoomiye ay ka wada hadleen sidii xiriir hoose uu u dhexmari lahaa Baarlamaankooda. Ajandaha ayaa waxaa ka mid ah in la wadaago aragtida xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidii loo sahmin lahaa iskaashi iyo aqoon is dhaafsi dheeraad ah.
Guddi gaar ah oo loo xil saaray horumarinta xiriirka iyo walaalaynta Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si weyn uga qeyb qaatay diyaarinta kulankaan heerka sare ah. Dooda guddiga ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda lagu kordhinayo kulamada ay yeelanayaan wakiillada baarlamaanka ee labada dal, iyadoo ujeeddadu tahay sidii isfahan iyo iskaashi dhinacyo badan leh loo yeelan lahaa.
Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sameeyay Guddiyo gaar ah oo ujeedkoodu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay la leeyihiin Baarlamaannada dalka. Guddiyadani waxay door muhiim ah ka ciyaaraan fududaynta wada-hadallada iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo gacan ka geysanaya dadaallada diblomaasiyadeed ee ballaaran ee gobolka.
Kulanka Gudoomiyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuti oo dhawaan furmaya ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay uga go’an tahay labada dal in ay abuuraan iskaashi waara iyo geeddi-socod iskaashi oo faa’iido u leh shacabkooda.
HBN NEWS DESK