Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye SSC – Hogaamiyaha Khaatumo ayaa isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirada, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xajaar ayaa ka mid ah liiska Wasiirada cusub ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Isbadalkan cusub ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah wasiiradii maamulkaasi ay iska casileen xilalkii ay hayeen iyagoo sheegay in faragalin lagu hayo xafiiskooda.
Firdhiye oo xilka haya muddo sanad ku dhow, iyadoo maamulkiisa uu weli ku guda jiro dib u habeyn iyo ballaarin guud, isla markaana doonaya in uu xoojiyo hey’adiisa kala duwan.
Isku shaandhaynta wasiirada ayaa la sheegay inay tahay mid lagu horumarinayo dhinacyada muhiimka ah sida horumarka, nabadgalyada, waxbarashada gobolada SSC iyo kuwa kale. Hogaamiyaha Ssc-Khaatumo ayaa sheegay in isku shaandheyntan ay tahay mid lagu kobcinayo iyo xasiloonida maamulka.
Liiska Wasiiradda la shaaciyay.
1. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hirad – Wasiirka Maaliyadda
2. Yuusuf Suleymaan Sanad- Wasiirka Caafimaadka
3. Najiib Barkhadle Warsame – Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada
4. Ibraahim Jaamac Reygal- Wasiirka Amniga
5. Axmed Xaashi Maxamed – Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
6. Jaamac Maxamed Mursal – Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha
7. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajar)- Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka
8. Cali Warsame Cismaan – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
9. Axmed C/risaaq Diiriye Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga.
10. Daahir C/risaaq Axmed – Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga
11. C/risaaq Yuusuf Maxamed Hindi – Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka
12. Suxuur Faysal Barre Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
13. Aadan Cabdullaahi Xasan – Wasiirka Xanaanada Xoolaha.
HBN NEWS DESK