Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa Magaalada Baledweyne kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Haldoorka magaaladaas, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.
Agaasimaha oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Odayaal kale ayaa gaaray magaalada Beledweyne ka hor inta aan la caleema saarin Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle oo 13-ka bishan loo qorsheeyay.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee amniga gobolka Hiiraan iyo sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sanbaloolshe ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay wada shaqeyn dhexmarta dowladda iyo bulshada si meesha looga saaro khatarta argagixisada ee gobolka.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Odayaasha Dhaqanka, iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen ka dhabeynta ballan-qaadkii dowladda ee ahaa in dalka oo dhan laga ciribtiro maleeshiyaadka Al shabaab.
HBN NEWS DESK