Ra’iisal Wasaare Xamse oo dib ugu soo laabtay dalka kaddib safar uu u aaday dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya muddadii u dhexeysay 6-da ilaa 11-ka May, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caaasimadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu joogay Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyaga oo gaaray hishiisyo kala duwan oo khuseya labada dowladood.

Waxa uu sidoo kale la kulmay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha ganacsi iyo qorshaha Xukuumaddan ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Xamase ayaa safarkaan uu kaga soo laabtay dalka Kenya waxaa uu ahaa kiisii ugu horreyay taniyo markii la magacaabay.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed