Ra’iisul Wasaare Hamza oo wadahadal la yeeshay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo arrimo xasaasi ah oo laga dooday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa wada-hadallo istiraatiji ah la qaatay ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Amb. Mike Hammer, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada danaha labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre iyo Danjire Mike Hammer ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta, bini’aadantinimada, iyo amniga ee dowladda Mareykanka ay la leedahay Soomaaliya, iyagoo u kuur galayay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada  Washington ay siiso Soomaaliya

Mareykanka ayaa saaxiib muhiim ah u ah Soomaaliya, gaar ahaan dib u habeynta amniga iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada ee lagu doonayo in lagu hormariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa si kal iyo laab ah uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay ka geysaneyso ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed,  iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed