Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku celiyay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka. Isaga oo ka warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.
Barre ayaa ku nuux-nuuxaday in dowladda ay ka go’antahay wax ka qabashada dhinacyada amniga, siyaasadda, dhameystirka dastuurka, iyo doorashooyinka.
Xamse wuxuu ka hadlay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa in ay horumarin ku sameyso dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumar waara.
Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Al-shabaab iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.
HBN NEWS DESK