Maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa, kaas oo dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u tababarto ciidamo cusub oo Boolis ah.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa maanta Boggooda Facebook-ga ku shaaciyey hishiiskaan ay gaareen labada dhinac, isla markaana ciidanka Booliiska lagu siinayo tababar heer sare ah.
Si kastaba ha ahaatee, ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.
Heshiiskan waxa daba socday socdaal uu dhawaan Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ku tagay dalka Itoobiya oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya.
1-dii bishii Janaayo, Itoobiya waxay heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, tallaabadaas oo dowladda Soomaaliya Cambaareysay, kuna tilmaantay sharci darro iyo xad-gudub ka dhaan madax bannaanida Jamuuriyadda Soomaaliya.
Heshiiskaas waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay hesho 20 Km oo ka mid ah dhulka xeebaha Somaliland.
HBN NEWS DESK