Kulan looga hadlayay ammaanka oo laamaha ammaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, Ayaa Shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimada, Kaas oo Lagu Qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Inta shirka uu Socday waxaa looga hadlay waxyaabihii u qab-soomay isbuucaan hay’adaha amaanka iyo sidii loo sii wadi-lahaa howlaha amni ee socda.
Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/ Sare Macalin Mahdi ayaa ka warbixiyaya xaalada guud ee amniga Caasimada iyo Nawaaxigeeda, isagoo shirka ka sheegay inay ciidanku Ka hortagateen xubno Shabaah ah oo Caasimada ka fulin rabay Falal lid ku ah amniga magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin oo shirka ka hadlay ayaa ugu mahad-celiyay Saraakiisha iyo ciidanka shaqada adag oo ay ka hayaan Caasimada iyo Banaankeeda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed