Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad ay qortay si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in la joojiyo howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM. Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo dowladdu ay tilmaamtay inaysan dalban doonin dib u cusboonaysiinta Qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023), kaasoo si hufan u joojinaya shaqada UNSOM.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay arrintaan, isla markaana lagu sheegay isbedelka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo inay dib u soo celiso maqaamkeedii Qaramada Midoobay” sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda.
Tallaabadan ayaa ah mid la jaanqaadaysa aragtida Soomaaliya ee ah horumar waara oo madaxbannaan, iyadoo la tixraacayo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda dowladda, dadaallada dhismaha qaranka.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri “Kadib markii si qoto dheer loo tixgaliyay muhiimadda istiraatijiyadeed, waxaa la joogaa xilligii aan u gudbi lahayn wejiga xiga ee horumarkeenna, waxaa naga go’an inaan kobcino nabad iyo barwaaqo”.
Si kastaba, warkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la beddelay wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsaneed Soomaaliya, oo la soo magacaabay May 2023.
HBN NEWS DESL