Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal culus ka jeediyay kulan ka dhacay maamulka degmada Yaaqshiid ayaa ka digay la shaqeenta kooxda Al-Shabaab, isla markaana ku tilmaamay mid halis ah.
Madaale ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin dhibaato ka wayn in la qariyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarada ka geysta gobolka Banaadir iyo kuwa la shaqeynaya intaba.
Waxaa uu tilmaamay in ay waajib tahay in aad aqoon buuxda loo lee yahay cidda guriga kugula nool ama xaafadda kula dagan, maadaama uu sheegay in ogaanshaha qofkaasi ay muhiim u tahay badqabqabka noloshaada iyo tan bulshadaba, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu bulshadda ugu baaqay in ay soo gudbiyaan cidkasta oo ay ku tuhmaan la shaqeenta maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa imaanaya, ayada oo horay gacanta loogu soo dhigay shaqsiyaad gacan saar la leh Al-Shabaab, kuwaas oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
HBN NEWS DESK