Shirka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle waxaa shir-guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxana diirrada lagu saaray arrimo dhowr ah.
Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarrada Amniga Guddaha oo si faahfaahsan u soo gudbisay xaaladdihii amni ee ugu dambeeyay iyo halka uu maarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al shabaab iyo howlgalladii ugu dambeeyay.
Dhanka kale, Wasaarrada Cadaallada ayaa tilmaamtay in horumar weyn laga sameeyay dhinaca Garsoorka oo muddooyinkii dambe horumarin iyo ballaarin ay ku socotay.
Wasaarradaha Arrimaha Guddaha, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Xanaannada iyo Xoolaha ayaa soo gudbiyay waxqabadkooda iyo halka ay wax u marayaan.
Ugu dambeyn, Yuusuf Dabageed ayaa faray Gollaha Wasiirrada in la dardargeliyo dhammaan howlaha hor-tebinta u leh maamulka Hirshabeelle.
HBN NEWS DESK