Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo looga shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed, kuwaasoo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro lagu qaado maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya, kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaan ku dhow magaalada Kismaayo.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 70-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada xeebta ah ee Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Labo tuhmane oo kale ayaa u suurtagashay in ay baxsadaan intii uu howlgalka socday.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Sareeye Guuto Sadiiq Maxamuud ayaa sheegay in ay soo gaareen liiska dadka ku howlan maalgelinta falalka burcad badeedda ah ee la doonayo in laga fuliyo deegaanada Jubbaland. Waxa uu intaa ku daray in ragga la qabtay ay qorsheynayeen in ay afduubtaan maraakiib iyo doomo sida badeecooyinka ku sugan deegaanada Jubbaland.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada badda Puntland ay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah, isla markaana ay burburiyeen shabakado burcad badeed ah oo ka howlgali jiray degmada xeebta ah ee Eyl.
HBN NEWS DESK