Laamaha dambi baarista ee CID-da ayaa sii daayay toban eedeysane oo horay loogu heystay dilka Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ee lagu magacaabi jiray C\Naasir Muuse Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Dahable.
Go’aanka lagu sii daayay eedeysanayaasha ayaa yimid kadib baaritaan ay si wada jir ah u sameeyeen khubaro Soomaali ah oo ku taqasusay dambi baarista, waxaana gacan ka geystay sheybaarka dambi baarista ee Booliska Turkiga. Baaritaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in “ma jirin cadeymo la taaban karo oo shaqsiyaadka la sii daayey la xiriirinaya dembiga dilka.”
Qoysaska shaqsiyaadka la xiray oo ay wehliyaan wakiiladooda sharciga, ayaa u ololeynayay in si deg deg ah kiiska loo xaliyo, iyaga oo soo xiganaya cadeymaha cusub ee laga helay sheybaarka dambiilayaasha. Waxay ku booriyeen in si degdeg ah loo sii daayo eedaysanayaasha iyadoo la eegayo natiijada baaritaanka.
Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaanahan uu khilaaf ka dhex taagnaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Siidaynta tobanka tuhmane waxay muujinaysaa isbedel wayn oo ku yimid baarista, taasoo muujinaysa muhiimada ay leedahay in si qotodheer loo baaro iyo nidaamka cadaaladeed ee dacwadaha dambiyada.
Iyadoo ay socdaan baaritaano ku aadan dilka Naasir Muuse Cabdiraxmaan, ayaa Eedeysanayaasha la sii daayay hadda yihiin kuwo xor ah oo la sugayo wixii ka soo kordha kiiska. Mas’uuliyiinta ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in la joogteeyo wadashaqeynta iyo ka feejignaanta fal-dembiyeedka iyo ilaalinta sharciga dalka.
HBN NEWS DESK