Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii ay la galeen Itoobiya ee ku saabsanaa in Adis Ababa saldshig ciidan iyo dekkada ganacasi laga siiyo xeebaha gobolka Awdal la filayo la filayo in lagu soo gaba gabeeyo muddo labo bilood gudahood ah, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeedo arrintaas.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud, oo waraysi siiyay warbaahinta dalka Jarmalka, ayaa daboolka ka qaaday in heshiiskii ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen afar bilood ka hor uu heer gabo-gabo ah marayo.
Sida ay sheegtay SOLNA, heshiiskan ayaa dhigaya in 20 KM oo ka mid ah xeebaha Somaliland laga kireeyo Itoobiya, iyadoo ujeeddadu tahay in Itoobiya la aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.
“Wasiir Ciise Keyd waxa uu sheegay inay wada-xaajoodyo u socdaan labada dhinac, iyadoo la dhisayo guddiyo farsamo oo fududeeya dhammaystirka heshiiska, kuwaasoo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu yiri warbixinta SOLNA. .
Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay si weyn uga soo horjeedo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya. Soomaaliya ayaa uga digtay Itoobiya in ay gasho heshiis aysan ogolaansho ka heysan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Heshiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Soomaaliya ay u aragtay mid caqabad ku ah madax-bannaanideeda dhuleed. Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhaleecayn dhinacyo kala duwan ah, caalami ah la kulmayay taniyo markii ay gaareen hishiiskaas is-af-garadka ahay.
Halka uu marayo wada-hadalladii Somaliland iyo Itoobiya, qodobbadii ka soo baxay heshiiska iyo saamaynta uu ku leeyahay xasilloonida gobolka iyo xiriirka diblomaasiyadeed, ayaa ah mawduucyo xiiso leh oo la daawan doono. Dhamaystirka heshiiska muddada labada bilood ah ee loo qoondeeyay waxay u badan tahay inay sii huriso doodaha taagan oo ku saabsan saamaynta juquraafiyeed ee gobolka.
HBN NEWS DESK