Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay Ciidamada Gurmadka Degdega ah (RSF) ku qaadeen tuulo ku taal bartamaha Sudan, galinkii dambe ee shalay sida ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.
Guddiga wax iska caabinta Abu Qouta ee gobolka Jasiira ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Ciidamada Gurmadka Degdega ah (RSF) ay shalay oo Axad ahayd weerar ku qaadeen tuulada Goz al-Naga ee deegaanka Abu Quuta, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 40 qof.
Warku wuxuu intaa ku daray in tiro meydad ah ay weli daadsan yihiin tuulada,” iyadoo Ciidamada Gurmadka Degdega ah ay dadka tuulada ka horjoogsatay inay goobtaasi si ay u aasaan meydadka markii ay ka barakaceen.
Guddiga ayaa ugu baaqay Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ku cadaadiyaan Ciidamada Gurmadka Degdega ah si dadka shacabka ah ay u soo galaan Tuulada oo ay u aasaan dadka dhintay. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay RSF oo ku aadan weerarka.
Tan iyo bishii December ee la soo dhaafay, Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ayaa maamulayay Gobolka Jasiira ee Bartamaha Suudaan, ka dib markii Ciidanka Suudaan ay isaga baxeen Caasimadda Gobolka Wad Madani.
Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada Sudan iyo RSF waxa ay wadeen dagaal ay ku dhinteen ilaa 16,650 qof ayna ku barakaceen malaayiin qof.
HBN ONLINE TV