Muddo 30 sano ah markii ugu horreysay ardayda iskuulada deegaannada maamulka SSC Khaatumo ayaa ka qeyb galay Imtixaanka Shaahaadiga ah ee dugsiga sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya, kaasoo ka bilaawday magaalada Laascaanood ee maamulkaas, laguna tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo dhanka waxbarashada ah.
Sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka, waxaa maanta imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ka qayb qaatay ardada magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 1,154 oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana goobihii uu imtixaanku ka dhacayay ku suganaa saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawlada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee xaalada magaalada Laascaanood ayaa soo martay heerar kala duwan maamul ahaan tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii. Dhanka kale, tallaabadan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay muddo 15 sano ah oo aanay ardayda Laascaanood ka qaybgelin imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland, kaddib markii dadka deegaanka ay diideen in ku hoos jiraan xukunka Somaliland 2023, taasina waxa ay sababtay dagaal culus ciidamada maamulkaas looga saaray magaalada Laascaanood iyo deegaannada iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sool.
Talaabada Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay ka qaaday SSC waxaa lagu tilmaamay astaan la taaban karo oo loo qaaday horumarka dhinaca waxbarashada Soomaaliya. Waxa kale oo ay rajo galineysaa dadaalka ay dawladdu ugu jirto sidii ay fursadaha waxbarasho u gaarsiin lahayd dhammaan gobollada, xataa kuwa taariikh ahaan ay colaadaha iyo xasillooni-darrada ka jiraan.
HBN NEWS DESK