Ciidamo Puntland ka soo kabsaday dhaawacyada dagaalka Calmiskad oo markale sheegay in ay dib ugu noqonayaan Furinta

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaabilay Qaar ka mid ah askarta ku dhawaacantay dagaalka lagula jiro Kooxda Daacish ee ka dhacay Buuralayda Calmiskaad ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii lagu soo daweeyey dalka Itoobiya.

Isaga oo ku amaanay dadaalkooda dalkooda ay ku Difaaceen Ciidamadan ka soo dhaawacmay dagaalka lagula jiro Daacish ee lagu soo daweeyey dalka Itoobiya, hadane waxaa uu hoosta xariiqay in ciidamada Puntalnd sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro kooxda.

Ciidamada oo maanta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa warbaahinta maamulka Puntland sheegay in ay ku faraxsan yahiin inay soo noqdeen, iyagoo Caafimaad qaba, ayna diyaar u yihiin in dib ay ugu laabtaan dagaalka ay ka qeyb galaan.

“Askartaan Geesiyaasha oo ku soo guryo noqday dalkooda ayaa sheegay in ay heleen Daryeel Caafimaad haatanna ay diyaar u yahiin in dagaalka dib ugu Noqdaan” ayaa lagu yiri ka soo baxay Puntland.

Dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish ayaa quburo dhanka ammaanka ah oo isha ku haysay sheegeen in dhibka ugu badan ee Ciidamada wajaheen ay ugu weynaayeen Qaraxyada soo boodada ah, dhulka rafka ahaa iyo xubnaha kooxda ee is qarxinayey.

Tan iyo bishii December ee sanadkii hore Ciidamada Puntland ayaa weli kula kor dagaalamaya buuraha silsiladda ah ee Calmiskaad xubno ka haray kooxda Daacish oo weli ku sugan dhulka fog ee gobolka Bari.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed