Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey qaraarka lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
Ansixintan oo ay soo jeedisay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu in Golaha Wasiirrada Xukuumadda ay ku ogolaadeen la meelmariyo agaasimaaha Hay’adda socdaalka Soomaaliya.
Agaasimaha cusub ee la magacaabay ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha XFS Mustaf Dhuxulow ayaa ka soo shaqeeyey wasaarado kala duwan ee xukuumadihii is xigxigay.
Mustaf Dhuxulow ayaa sida oo kale ah xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV