SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeysay wiil lagu dilay gobolka Sanaag

Faah faahino kala duwan oo ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay, ka dib markii halkaasi qof shacab ahaa lagu dilay, kaasi oo lagu eedeeyeye in ay ka dambeeyeen Ciidamada Somaliland, welina magaalada iyo deegaanada u dhow uu ilaa galabta ka socday dagaal.

Deeegaankaa duleedka ah ayaa la sheegay in galabta lagu dilay laba nin oo geel dhaqata ahaa markii iska hor imaad uu ku dhexmaray Booliska Soomaliland iyo dablay hubaysan, sida ay soo tabiyeen wariyaasha gobolka.

Dilkaan ayaa daba socda, ka dib markii Ciidamada Booliska Somaliland la sheegay in halkaasi xalay ku dileen mid ka mid ah dhallinyarada magaalada Ceerigaabo, 2 askari uga dhaawacmeen. Ilaa saaka waaberigii ayaa la tilmaamay in ay socotay rasaas ay furayeen ciidamada Somaliland ee halkaasi jooga.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Salmaan Aadan Cabdi ayaa la sheegey in isaga oo dhaawac ah la geeyey Isbitaalka Guud ee degmada, balse waxa Ciidamada lagu eedeeyeey in xireen ninkii baabuurka ku waday, iyada oo uu hal kaasi dhiig-bax ugu dhintay marxuumka, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dhinaca kale, Huggaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khaatumo Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay in la gala xisaabtamayo Somaliland wiilka xalay lagu dilay magaalada Ceerigaabo, ayna sida wax u dheceen yihiin sida uu hadalka u dhigay yihiin mid gardaro ah.

“Shacab la laayo waxa ka dhasha waa garaneysaan, dad la iska dilo oo gardaro lagu dilo waxa ka dhasha waa garaneysaan, dadku sidii hore ma aha dowladbuu yeeshay, haddii Alle ka dhigo waa laga xisaabtamayaa, talo buuxdaa laga gaarayaa” ayuu yiri Huggaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khaatumo.

Weli Somaliland wax war ah oo ku aadan arintan dilka wiilka ee lagu eedeeyey oo jawaab ah kama soo bixin.

Waxaa dhowr jeer shaqaaqooyin aan dad ku dhiman ay ka dhaceen magaalada tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii Laascaanood ee u dhaxeeeyey dhinacyada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, kaasi oo hadda laga joogo muddo hal sano ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed