Xisbiga Waddani ee Somaliland oo war ka soo saaray kulankii shalay ka dhaacay Adis Ababa ee dhexmaray Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi

Xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland ayaa war ka soo saaray hishiiskii is af-garadka ahay ee ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, isla markaana waxaa ay sheegeen in aysan ka war qabin hishiisyaddii ka dhacay Adisababa iyo Jabuuti, sdioo kale waxay soo jeediyeen digniin culus, iyo in loo baahan yahay in faah faahin rasmi ah laga bixiyo.

Qoraalka ay soo saareen ayaa lagu yiri ” Xisbiga Wadani waxaa uu ka digayaa wax kaste oo xad-gudub ku ah karaamada umadnimo iyo jiirtaanka Jamuuriyadda Somaliland, sidaa darteed xisbigu waxaa uu sugayaa xogta rasmiga ah ee hishiiyada madaxweynuhu ku saxiixay dalalka jabuuti iyo Itoobiya”.

Dhanka kale Xisbiga Wadani ayaa ka dhaawajiyay in ay soo dhaweynayaan haddii uu jiro aqoonsiga Itoobiya iyo hormar kaste oo Somaliland danteeda ay ku saleysan tahay,isla markaana waafaqsan sharciga.

Bayaanka ayey ku sheegeen in hishiis kaste ee uu soo galo madaxweyne Biixi uu horgeeyo Golayaasha hishiisyada calamiga ah  si loo darso loona waafajiyo sharciga haddii uu yahay mid ay faa’iido ku qabto Somaliland, una meel mariyo.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed