Xiisadda ka taagan gobolka Gedo oo meel Xasaasi ah Maraysa & wararkii u dambeeyey

Xaaladda gobolka Gedo ayaa si xowli ah uga sii dareysa, kadib dagaallo culus oo dhowr jiho ka socda, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayna ka dhasheen khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamada Itoobiya si toos ah ugu lug yeesheen dagaalka.

Dagaalka ugu dambeeyay ayaa xalay ka dhacay degmada Doolow, halkaas oo ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah ay weerar culus ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay la safteen Jubbaland, islamarkaana ay madaafiic la beegsadeen xeradaasi, taasoo sababtay burbur xooggan iyo khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Weerarkaasi ayaa sababay gubashada saanad ciidan oo ay lahayd hay’adda NISA, iyadoo sidoo kale la sheegay in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen xerada kadib dagaalka dhacay, waxaa jira warar sheegaya inay gacanta ku dhigeen taliyihii NISA ee degmada Doolow Saleeban Aden Shikhaalow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, warkan si buuxda looma xaqiijin.
Dhanka ciidamada Jubband ayaa waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen (Lafey).

Sida laga soo xigtay ilo ku sugan gudaha degmada, saraakiil ciidan ayaa ku dhaawacmay weerarka, inkastoo tirada rasmiga ah aan la xaqiijin.

Magaalada Doolow waxaa saaka ka dhacay banaanbax weyn oo lagu diidan yahay joogitaanka ciidamada itoobiya iyo in uu sii maamul maamulka degmada, taasi oo la xiriirta weerarkii xalay ka dhacay. Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya boqolaal dad oo isugu soo baxaya goobaha faras-magaalaha ah. Qaar kamid ah dadka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxa Ciidamada Itoobiya ku keceen aan loo dulqaadan Karin,ayna tahay inay magaalada isaga baxaan.

Dhacdadan ayaa dab kusii shiday xiisaddii horey uga taagneyd gobolka, iyadoo aan ilaa iyo hadda wax war ah laga helin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan weerarkan iyo doorka Itoobiya ay ku leedahay dagaalka.

Arintaan waxay dhacaysaa xili, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa ku suganyihin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kula kulmeen madaxda sare ee Dowladda Itoobiya. Warar hoose ayaa tilmaamaya in wada-hadalladaasi lagu soo qaaday xaaladda gobolka Gedo, iyadoo la rumeysan yahay in Jubbaland ay si hoose ula xiriirtay Addis Ababa si ay u hesho taageero milatari.

Dhanka kale, Jubbaland ayaa si adag u cambaareysay Dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay in ay xiisado cusub ka hurineyso sida hadalka ay u dhigtay magaalooyinka Doolow iyo Beledxaawo. War-saxaafadeed soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan xerada UK ee Beledxaawo ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo dagaal oo halis gelin kara amniga gobolka.

Beledxaawo ayaa muddo todobaad ah waxaa ka taagnaa xiisad sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac baahasan, waxaana is-hor-fadhiya labada, iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada ku aaddan in dagaal buuxa ka dhaco gudaha magaalada.

Xiisadda Gedo ayaa u muuqata mid halis ugu jirta in ay isku beddesho colaad siyaasadeed iyo mid qabiil oo baahda, iyadoo dhinacyada caalamka ay dusha kala socdaan waxa dhacaya.

Xaaladda gobolka Gedo ayaa maraysa marxalad aad u xasaasi ah, waxaana muuqata in faragelinta Itoobiya ay sii kordhineyso halista dagaal sokeeye oo hor leh.

Xog hore Ciidanka Itoobiya oo si rasmi ah ugu soo rogay bandow magaalad Doolow ee gobolka Gedo

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed