Soomaaliya yeelatay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka labaad oo maanta lagu dhawaaqay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in dalku uu yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdisalaam Cabdi Cali (Daay) oo hore u ahaa Wasiirka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xilka uu baneeey wasiirka howlaha guud ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay Cilmi Maxamed Nuur oo horey u ahaa Wasiirkii Maaliyadda ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay sida oo kale laba wasiir oo kala ah Yuusuf Maxamed Aadan oo noqon doono wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada iyo Maxamuud Axmed Aadan wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka.

Sida oo kale waxaa isku shaandheyn lagu sameeyey 6 wasaaradood, waxaana loo kala magacaabay Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurta, Ismaaciil Shire Jaamac wasiiru dowlaha Batrool iyo macdanta, Maxamed Cismaan Cumar wasiiru dowlaha Qoyska iyo hormarinta Xaquuqul insaanka, Caynaanshe Yuusuf Xuseen wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, Maxamed Yuusuf Xasan wasiiru dowlaha wasaaradda kaluumeysiga iyo Maxamed Nuur Abubakar wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul Wasaare kuxigeen labaad, ka dib Dowladdii KMG.

Mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xukuumaddiisa u horraysay uu magacaabay ay yeelatay hal Ra’iisul Wasaare ku xigeen, taasi oo meesha ka saartay Ra’iisul Wasaare ku xigeenadii saddexda ahaa ee Xukuumadihii KMG ahaa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed