Soomaaliya iyo Liibiya ayaa ku heshiiyay dib u celinta qiyaastii 400 muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo ku xiran xabsiyada Liibiya, kaddib wadahadallo heer sare ah oo dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.
Heshiiskan ayaa ka dhashay kulan u dhexeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Liibiya, Taher Al-Baour, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga arrimaha socdaalka iyo amniga.
Labada dhinac ayaa muujiyay walaac ku saabsan xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Liibiya, kuwaas oo intooda badan isku dayay inay gaaraan Yurub iyagoo maraya waddooyin tahriib sharci-darro ah oo halis ah, gaar ahaan marinada Badda Mediterranean-ka.
Sidoo kale, labada dowladood ayaa isku raacay in la dedejiyo habraaca dib u celinta si muhaajiriintaasi si nabad ah loogu soo celiyo dalkooda, iyadoo Xamza Cabdi Barre uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah iyo la dagaallanka shabakadaha tahriibinta dadka.
HBN ONLINE TV

