Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Dowladda Soomaaliya

Xukuuamdda Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, iyagoo ku eedeysay inay waddo waxay ugu yeertay “marin-habaabin” la xiriirta in gobolada Waqooyi ay yihiin qeyb kamid ah Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in qoraalka ka soo baxay Muqdisho uu xambaarsan yahay xog ay ku tilmaameen mid sharci ahaan iyo taariikh ahaan khaldan, islamarkaana aan ku dhisneyn xaqiiqooyin la hubo sida ay hadalka loo dhigay.

Somaliland ayaa ku dooday inay tahay dal madax-bannaan oo xorriyadiisa qaatay 26-kii Juun 1960, isla markaana madaxbannaanidaas aysan ku xirneyn wax amar ama awood ka timaadda Muqdisho. Waxay sidoo kale sheegtay in xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la yeelanayso dalalka kale, oo ay ku jirto Israa’iil, ay yihiin sida ay ku dooday xuquuq ka dhalatay madaxbannaanideeda.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Somaliland ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991-kii, isla markaana muddo ka badan 30 sano ay si buuxda uga talinaysay dhulkeeda, iyadoo dhistay hay’ado dimuqraadi ah, qabatay doorashooyin, isla markaana ilaalisay nabad gudaha ah.

Ugu dambeyn, maamulka Somaliland ayaa caddeeyay inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha, xasilloonida gobolka iyo iskaashi caalami ah, balse ay madax-bannaanideeda iyo xiriirrada dibadda u aragto sida ay ku andacootay arrin aan gorgortan geli karin, oo uu go’aankeeda leeyahay shacabka Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed