Somaliland oo ka jawaabtay waxa ay kala socoto heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Afhayeenka Xisbiga Talada haya Somaliland ee Waddani Maxamed Faarax Cabdi ayaa sheegay in heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Somaliya ku dhexmaray aanu waxba iyaga ka quseyn.

Waxaa uu sheegay in wax caadi ay u arkaan in labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhexmaray heshiis, wallow sida uu hadalka u dhigay aanay waxba dhankooda quseyn.

“Heshiiska Ankara nagama quseeyo, laba dal oo jaar ah ayaynu nahay, Somaliland-na waanu nahay, way fiican tahay oo waa iska caadi in laba qaran oo walaalo ah ay wada hadlaan, heshiiyaan, laakiin wax na quseeya maaha” ayuu yiri Maxamed Faarax.

Sida oo kale, waxaa uu tilmaamay in Heshiiska Arbacadii aan soo dhaafnay ka dhacay Ankara uusan waxba ka xayiri doonin Somaliland.

Xukuumaddii baneysay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee Muuse Biixi ayaa horaantii sanadkan heshiis ay ku sheegtay helitaanka aqoonsi ay hesho waxay Addis Ababa kula gashay Itoobiya, kaasi oo 11-bil ka dib meesha laga saaray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed