Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay cambaareyn uga timid dalalkan Carbeed iyo kuwa Islaamka ah oo ka soo horjeestay qorshaha ay ku dooneyso inay safaarad uga furato magaalada Jerusalem.
Safiirka Somaliland u fadhiya Israel, Maxamed Xaaji, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah dowladaha Carbeed iyo Islaamiga ah inay wadaan sida uu ku dooday cadaadis siyaasadeed oo lagu saarayo xukuumadda Somaliland si ay uga laabato go’aannadeeda diblomaasiyadeed.
Safiirka ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Hargeisa iyo Tel Aviv uu yahay sida uu qabo mid sii xoogeysanaya, isagoo ku tilmaamay “iskaashi istiraatiiji ah” oo ku dhisan dano wadajir ah, xasillooni goboleed iyo wada-shaqeyn muddo dheer ah.
“Waa nasiib darro in qaar ka mid ah dowladaha Carbeed iyo Islaamiga ah ay doorteen cadaadis siyaasadeed halkii ay ka dooran lahaayeen wada-shaqeyn wax ku ool ah,” ayuu yiri safiir Xaaji.
Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay ka go’an tahay ilaalinta go’aannadeeda madaxbannaan iyo sii wadista xiriirka ay la leedahay Israel, kaasoo uu sheegay inuu ku dhisan yahay dano iyo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh.
Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii ku dhawaad 20 dal oo Carbeed iyo Islaami ah ay bayaan wadajir ah ku cambaareeyeen tallaabada Somaliland ee la xiriirta furashada safaarad ku taalla magaalada Qudus.
HBN ONLINE TV

