In ka badan15 dal oo Islaam iyo Carab isugu jira oo war culus ka soo saaray safaaradda Somaliland ee Qudus

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 16 dal oo Carbeed iyo Islaami ah ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Somaliland ay ku doonayso inay safaarad uga furato Qudus ee la haysto, waxayna ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa qaraarrada caalamiga ah ee la xiriira xaaladda magaalada.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Qadar, Masar, Sacuudiga, Jordan, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jibuuti, Somalia, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Yamani , Lubnaan, Mauritania & Aljeeriya ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin wax kasta oo wax ka beddelaya xaaladda sharciyeed iyo taariikhiga ah ee magaalada Qudus.

Dalalkaasi waxay carrabka ku adkeeyeen in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, isla markaana tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda magaaladaasi aysan lahayn wax sharciyad ah. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la dhowro qaraarrada Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee khuseeya magaalada Qudus.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay bayaanka wadajirka ah ee kasoo baxay dalalkaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bayaankaasi uu si cad u muujinayo diidmada tallaabooyinka hal dhinac ah ee wax u dhimaya qaranimada Soomaaliya iyo sharciyada caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u bogaadisay taageerada ay dalalkaasi u muujiyeen midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sheegeen in dalalkaasi ay si cad u diideen tallaabo kasta oo dhaawaceysa qaranimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Bayaankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan doodaha iyo falcelinta la xiriira xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan arrimaha ku saabsan magaalada Qudus iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo soo dhaweysay bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen Wasiirradan Arrimaha Dibadda ee carbeed iyo Islaamka ayaa sheegtay inay ku celiyeen diidmadooda adag ee ku aadan go’aanka Somalilnad ee ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay, xili ay tilmaameen in Bariga Qudus ay weli tahay dhul Falastiiniyiin la haysto tan iyo sanadkii 1967-kii, isla markaana tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladdiisa sharci iyo taariikheed ay tahay waxba kama jiraan oo aan wax sharci ah lahayn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed