Sirdoonka Sir’aaiil oo qabtay shabakad 7 qof ka kooban oo Iiraan u shaqeynaysay.

Booliiska & laanta sirdoonka Israa’iil ee Shin Bet ayaa shaaca ka qaaday in la qabtay shabakad basaas ah oo ka kooban 7 qof oo Israa’iil ah oo asal ahaan ka soo jeeda Azerbaijan kuwaasi oo Iiraan siiyay macluumaad sirdoon kuna saabsan goobaha militariga iyo kaabayaasha tamarta.”

Bayaan ay wadajir u soo saareen hay’adahan ayaa lagu sheegay in 7-dan qof ee Yuhuuda ah lagu qabtay magaalada Haifa ee waqooyiga, waxaana lagu wadaa su’aalo weydiin.
Magacyada toddobada qof ayaa lagu kala sheegay Aziz Nissannov, Alexander Sidikov, Vyacheslav Goshin, Yevgeny Yova, iyo Yigal Nissan, waxaana wehliya laba caruur ah oo aan magacyadooda la daabici karin.”

Warku waxa uu intaa ku daray in baaritaanadu ay muujinayaan in muddo ka badan laba sano ay wadeen hawlo kala duwan oo ay la shaqeynayaan sirdoonka Iiran, waxaase dusha kala socday laba kale, iyagu waxa ay fuliyeen boqolaal hawlgal oo lagu ururinayey xogta xarumaha ciidamada. ”

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Booliska Israa’iil, hawlaha xog ururinta ee ay fuliyeen kooxdan “ayey diiradda ku saareen saldhigyada hawada iyo badda, dekedaha, goobaha nidaamka difaaca ee Iron Dome iyo kaabayaasha tamarta, iyadoo hawshaasi lagu siiyay boqolaal kun oo doolar, oo ay ku jiraan lacagaha online ah ee cryptocurrencies, iyadoo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu sheegay inay dacwad ku soo oogi doonaan maalmahan soo scoda.

Ku dhawaaqistan Israa’iil ay sheegtay in la qabtay shabakada sirdoon oo Iiraan la shaqeyaysay ayaa ah tii saddexaad ee nooceeda ah tan iyo 14-kii October, waxaana booliska Israa’iil iyo sirdoonka Shin Bet ay ku dhawaaqeen Arbacadii la soo dhaafay qabashada nin Israa’iili ah oo ay Iiran u qoratay inuu dilo saynisyahan Israa’iili ah, waxaa ka sii horreysay in 14-kii October la qabtay qof kale oo Israa’ili ah oo lagu eedeeyay inuu waday mu’amarad uu ku dili lahaa masuul Israa’ili ah isla markaana uu waday wax lagu tilmaamay qaran dumisnimo.

Iiraan & Israa’iil oo qoloba qolada kale u aragto cadowga koowaad ayaa isku haya falal sirdoon oo qarsoodi ah xilli laga cabsi qabo dagaal labada dhinac dhexmara.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed