Shirka oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa looga hadlay dardar gelinta Hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntland.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in Gen. Aadan Cabdi Xaashi uu shirkaasi la yeeshay taliyaasha ururada ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntlamd ee ka hawlgala buuraha silsiladda Golis ee Gobolka Bari
“Shirkaas ayaa daarnaa si loo dardargalin lahaa howl-galada ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab & Daacish ee ku sugan buuraha Silsiladda Golis , loona xoojiin laha Aminga Gobalka Bari” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Taliska ayaa isla qaatay in la ballaariyo howlgallada ammaanka deegaannada hoos yimaado magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo dhowr jeer ka dhaceen falal amniga ka soo horjeedo.
HBN NEWS DESK