Waxaa laga soo dayrinayaa Boqollaal qoys oo horraantii bishaan September ka barakacay deegaan lagu magacaabo Ceelgaal oo hoostaga degmada Qandala ee Gobolka Bari, kuwaa oo wajahaya xaalado dhinaca nolosha ah.
Dadka waxaa saamayn taban ku reebay Roob Dabaylo watay iyo daadad xooggan oo galaaftay Xoolihii ay dhaqanayeen, Beerihii ay beeranayeen iyo qaarkood oo kalluumaysato ahaa. Waxa ay hadda ku nool yihiin xero Barakac oo aanay ku helin waxyaabaha ay u baahan yihiin sida cunno ku filan, biyo nadiif ah, dhaqaale ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay kasoo barakaceen sida ay ku warrameen qaarkood oo la hadlay Warbaahinta.
Sidoo kale, Saddexda waqti ayay sheegeen in mar ay wax ka helaan, waxaa intaas dheer in Arday la socda qoysaskaan ay Waxbarasho la’aan noqdeen, kuwaas oo saamayn taban ku reebtay Mustaqbalkooda isla markaana aanay hadda helin Waxbarashadii u socotay.
Maamulka Puntland ayaa loo gudbiyay cabasho la xiriirta in xal loo helo arrintaan si ugu yaraan Dadkaan dib u dejin loogu sameeyo deegaankooda maadaama ay hoos ka soo billaabayaan waxyaabihii ay ku tiirsanaayeen nolol ahaan.
HBN ONLINE TV

