Ugu yaraan 41 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaadka RSF ay duqeyn culus ku fuliyeen xaafado dad rayid ah ku nool yihiin magaalada Al Faashir, oo ah caasimadda gobolka Waqooyi Darfur ee galbeedka Suudaan, sida ay maaanta sheegeen ciidamada milatariga Suudaa.
Qoraal kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in haween iyo carruur ay ka mid yihiin dadkii ku dhintay duqeynta oo saacadihii la soo dhaafay xilli habeen ah lagu beegsaday xaafado ku yaalla magaalada.
Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay inay ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerarka RSF, ayna dileen 600 dagaalyahan, halka ay burburiyeen 25 gaari oo ciidan.
Ilaa hadda, kooxda fallaagada ah ee RSF kama aysan hadlin sheegashada ciidamada milatariga.
Dagaal culus ayaa ka socda magaalada Al Faashir tan iyo Isniintii, taas oo keentay in xarumaha jikooyinka cuntada samafalka loogu kariyo looguna qaybiyo shacabka ay joojiyaan hawshoodii.
Al Faashir waxay la kulmeysay iska horimaadyo dhiig badan ku daatay oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF tan iyo bishii May 2024, inkasta oo ay jireen digniino caalami ah oo laga bixiyay khatarta dagaalka magaalada, taasoo ah xarunta ugu weyn ee howlaha bani’aadannimo ee shanta gobol ee Darfur.
Horraantii bishan, RSF waxay sheegtay inay la wareegtay xerada qaxootiga ee Zamzam oo ku taalla isla magaalada, kadib dagaal ay la galeen ciidamada dowladda. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 400 rayid ah ayaa lagu dilay, halka ku dhowaad 400,000 oo kale ay barakaceen.
Tan iyo 15-kii Abriil 2023, RSF waxay dagaal kula jirtaa ciidamada milatariga Suudaan si ay ula wareegto maamulka dalka, taas oo keentay kumanaan dhimasho ah iyo mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu xun caalamka.
In ka badan 20,000 oo qof ayaa la dilay ilaa hadda, halka 15 milyan oo kalena ay barakaceen, sida ay sheegayaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gudaha. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaal Maraykan ah ayaa qiyaasaya in tirada dhabta ah ee dhimashada ay gaarayso ku dhowaad 130,000.
HBN ONLINE TV