In ka badan 40 muwaadinin Soomaali ah oo dhibaato nololeed ku haysato xabsi ay ku jiraan Hindiya oo dacwado culus wajahaya

Tiro lagu sheegay  43 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo haysto laba kiis oo kala duwan oo la xiriira burcad-badeednimo, ayna qirteen dambiyada loo haysto ayaa ka hor muuqday maxkamad gaar ah oo ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, iyada oo wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Raggan oo la xiray sanadkii 2024 ayaa lagu eedeeyay sida uu sheegay wargeyska warbixintaan qoray ee Business Standard ee dalka Hindiya inay afduubteen maraakiib ganacsi, shaqaalihii saarnaana ay afduub ahaan u haysteen, isla markaana ay dalbadeen madax-furasho. Waxay maxkamadda u sheegeen inay ku jireen xabsi ku dhawaad laba sano, ayna la kulmeen dhibaatooyin ka dhashay kala duwanaanshaha luqadda, dhaqanka, cuntada iyo hab-nololeedka.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed waxay sheegeen in qirashadoodu ay tahay mid ay si iskood ah u sameeyeen, isla markaana ay fahamsan yihiin in maxkamaddu ku xukumi karto ciqaabta ugu culus, hase yeeshee waxay ka codsadeen garsoorka iyo dowladda Hindiya in loo muujiyo naxariis, iyagoo carrabaabay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee lagu soo oogo dacwad noocan oo kale ah. Waxay sidoo kale ku tilmaameen Soomaaliya dal saaxiib la ah Hindiya oo leh xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan.

Raggaan 9 ka mid ah ayaa la qabtay bishii Maarso 2024, kadib howlgal ay ciidamada badda Hindiya ku badbaadiyeen sida warbixintu sheegtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, taas oo ay saarnaayeen 23 shaqaale oo u dhashay Pakistan, kuwaas oo la sheegay in la afduubtay. Howlgal kale oo isla bishaas dhacay ayaa lagu qabtay 35 qof oo kale oo lagu eedeeyay inay afduubteen markab ganacsi, kuwaas oo markii dambe loo gudbiyay magaalada Mumbai. Lama sheegin biyaha sida rasmiga ah raggaan ugu sugnaayeen markii la qabanayey, taasi oo dood laga keenay in badda Hindiya ku jireen ama meel ka baxsanayd.

Xeer-ilaaliyaha gaarka ah ee dowladda Hindiya, Ranjeet Sangle, ayaa xaqiijiyay in eedeysaneyaashu gudbiyeen codsiyadooda qirashada dambiga. Maxkamaddu waxay siisay waqti ay dib ugu eegaan codsiyadooda, iyadoo dib u dhigtay dhageysiga kiiska illaa 20-ka Luulyo. Haddii maxkamaddu aqbasho qirashadooda, waxaa lagu xukumi karaa dambiyada loo haysto. Raggan ayaa markii hore lahaa qareen ay u magacawday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, balse waxay maxkamadda u sheegeen in aysan hadda lahayn qareen. Sidaas darteed, maxkamaddu waxay amartay in loo magacaabo qareenno ka socda nidaamka gargaarka sharci ee dowladda Hindiya.

Muwaadinintan ayaa wajahaya dacwado ay ka mid yihiin qafaalasho, afduub madax-furasho lagu dalbanayo, shirqool dambiyeed iyo dambiyo kale oo hoos yimaada Xeerka Ciqaabta Hindiya iyo Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeednimada Badda ee dalkaas. Maxkamadda ayaa la filayaa inay go’aan ka gaarto aqbalidda qirashadooda iyo xukunka lagu ridayo marka dib loo dhageysto kiiska.

Bartamihii bishii Maarso ee sanadkan 2026, dalka Hindiya ayaa waxaaka soo muuqday muwaadiniintii ugu badnaa ee Soomaaliyeed, kuwaa oo tiradooda lagu sheegay 44 qof oo dambiyo culus loo heysto, waxana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay bilowday Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo daynayo dadkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed