Real Madrid oo isha ku haysa qaab ciyaareedka Rasmus Hojlund ee Manchester United haddaba maxay tahay sababta?

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso qaab ciyaareedka Rasmus Hojlund xilli ciyaareedkan iyada oo kooxdu doonayso in ay ku badasho xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe iyo xiddiga Manchester City Erling Haaland.

Los Blancos ayaa si weyn loo filayaa inay si xor ah kula soo wareegto Mbappe xagaagan, inkastoo la rumeysan yahay in kooxda reer France aysan weli rajo ka qabin inay ku qanciso inuu qandaraas cusub u saxiixo.

Mustaqbalka Haaland ayaa sidoo kale ah mawduuc aad loo hadal hayo, iyadoo kooxda caasimadu ay sheegtay inay muddo dheer isha ku hayeen xiddiga heerka caalami ee dalka Norway, kaasoo la rumeysan yahay inuu doonayo inuu ka ciyaaro Spain ka hor dhamaadka xirfadiisa.

Sida laga soo xigtay Defensa Central, haddii Real Madrid ay awoodi waydo inay la soo wareegto Mbappe iyo Haaland midkood, kooxda ayaa dareenkeeda u jeedin karta Hojlund.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa dhaliyay 11 gool, waxaana loo diiwaan geliyay labo caawin 29 kulan oo uu u saftay Manchester United xilli ciyaareedkii 2023-24.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed