Raphael Varane oo wadahadalo toos ah la yeelanaya Erik ten Hag

Daafaca kooxda Manchester United Raphael Varane ayaa wadahadalo toos ah la yeeshay Erik ten Hag, sida lagu sheegay warbixin.
Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa tiir-dhexaad u ahaa xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee Premeir League-ga, isaga oo iskaashi lama filaan ah la sameeyay Lisandro Martinez kuwaas oo xasiliyay daafaca kooxda.

Iyadoo Varane iyo Martinez ay isku xirka difaaca uu noqday mid wacan, Man United ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Premier League si ay ugu soo laabato Champions League, iyagoo sidoo kale soo afjaray abaartii koob ee EFL Cup.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii hore ee France ayaa inta badan isku arkay bedelka xilli ciyaareedka 2023-24, xitaa iyadoo Martinez uu la dhibtoonayo soo laabashada dhaawacii cagtiisa.

Victor Lindelof iyo Harry Maguire oo soo noolaaday ayaa mararka qaar laga door biday difaaca Varane si la mid ah Jonny Evans oo xagaagii hore heshiis waqti gaaban ah ugu soo laabtay Old Trafford.

Bilowgii Varane ee qeybtii hore ee xilli ciyaareedka ayaa keentay in 31-sano jirkaan xiriirka kala dhaxeeya Ten Hag uu burburo, inkastoo tababaraha Man United uu beeniyay jiritaanka khilaafkaan.

Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaan weli dhaq-dhaqaaqin qandaraas kordhinta Varane ee 12-ka bilood ah, kaasoo ku eg dhammaadka xilli ciyaareedka, taasoo la micno ah inuu hadda la hadli karo kooxo ajnabi ah ka hor inta aan lagu fasixin beeca xorta ah.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed