Nambarkee ayuu Kylian Mbappe u xiran doonaa Real Madrid?

Sheekada suuqa kala iibsiga ee Kylian Mbappe ayaa hadda si rasmi ah u dhamaatay ka dib markii xiddiga reer France lagu dhawaaqay inuu yahay ciyaaryahan cusub oo Real Madrid ah fiidnimadii Isniinta.

Mbappe ayaa ka tagay Paris Saint-Germain ka dib todobo sano oo guulo ah oo uu la joogay kooxda marka uu qandaraaskiisu dhaco 30ka June, waxaana uu ku soo gabagabeyn doonaa riyadiisa Los Blancos beeca xorta ah, isagoo qalinka ku duugay heshiis shan sano ah culus.

25 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu fiican, haddii kale, ciyaaryahanka ugu fiican adduunka isagoo dhaliyay 329 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 154 caawin guud ahaan 442 kulan oo uu u saftay koox iyo wadan.

Waxaa si weyn loo hadal hayaa in Real Madrid ay siin doonto Mbappe funaanadda bannaan ee No.9, kaasoo uu ugu dambeyn haystay Karim Benzema xilli ciyaareedkii 2022-23 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Al Ittihad.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed