Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho kaga qeyb galay madal ay lahaayeen garsoorka Dalka ayaa khudbad uu ka jeediyey waxaa uu jawaab adag siiyey xubnaha mucaaradka ah ku ah dowladdiisa, isaga oo sheegay inay jiraan dad raba weli in dadka Soomaaliyeed meesha ay joogaan lagu haayo 30 sano ka badan.
Madaxweyne Xasan oo sheegay in howlo badan ay horyaalaan ayaa ku dooday in dowladda aan lagu heyn karin, looma dhama iyo fadhiidnimo, iyada oo aan loo laaban karin 35 sano ka hor.
“Dadka Soomaaliyeed meesha ay joogaan dadka inay ku haayaan raba, laguma hayn karo, Xerada aan 35-sano aan joogno dowladdii u dambeysay dowladay aheyd” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Sidoo kale Waxaa uu banaanka soo dhigay inay jiraan jameeco (koox) qabta aragti ah dhacdooyinkii shalay dhacay, kuwaa oo uu carrabaabay inay khalad tahay, ayna soco doonto dowladnimadu. Waaxaa uu dalbaday in la siiyo fursad si dowladda Soomaaliya uga dhigaan midda ugu fiican.
“Inta qaloocan ee qaab-darada ku hadaaqda ee jidadka taaganne waxaan leenahay Allaha soo toosiyo” ayuu yiri markale.
Hadalka madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadaya iyada oo xilli xubnaha mucaaradka ay shalay eedo culus u jeediyeen isaga iyo dowladdiisa, iyada oo qaarkood sheegay in khalad badan uu ka sameeyey arimaha dibadda iyo khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyey.
HBN ONLINE TV