Mucaaradka Puntland oo si adag kaga horyimid hannaanka doorashada 2024 isla markaana eed hor leh u jeediyay madaxweyne Deni

Dallada mucaaradka maamulka Puntland ayaa ka horyimid, oo gaashaanka u daruuraay hannaanka doorashada 2024 ee uu wado madaxweyne Deni kaddib shir jaraa’id oo ay ku maqabteen magaalada Garowe.

Madasha ay warbaahinta kula hadleen ayey ku sheegeen in ay caddeynayaan in wax kalsooni ah aysan ku qabin guddigii xalinta khilaafaadka ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne kaasoo dhaliyay dood adag, sidoo kalana ay ka horyimadeen madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash guddigaan baarlamaanka kuwaas oo hoosta ka xariiqay Deni oo doonaya in ku lug yeesho soo xulista baarlamaanka.

Mucaaradka ayaa ka dhawaajiyay in Saciid Deni uu magacaabay xubno ka tirsan xisbigiisa KAAH iyo qaraabadiisa, sida aw-geedna aysan wax kalsooni ah ku qabin, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in madaxweynuhu uu faragelin qaawan uu k hayo beelaha Puntland ee soo xulanaya xildhibaannadooda cusub, taasoo abuurytay kalsooni darro iyo kala shaki xooggan.

Si kastaba, waxaa wili aanan xal rasmi ah aanan laga gaarin khilaafka doorashada Puntland, oo in muddo ah soo mareysay heerar kala duwan, eedaha loo jeedinayo madaxweyne Deni wax jawaab ah ilaa hadda kama suusan bixin, xilli wax dhowr isbuuc ay kaga harsan tahay muddo xilleedkiiisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed