Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya meydka laba ruux oo laga helay xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa. Meydka labada ruux uu mid ahaa askari xirnaa dareyska ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee Somaliland iyo haweeney ayaa dadka Goobjoogeyaal ayaa inoo xaqiijiyeen in korkooda aanay wax dhaawac ah.
Warka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in uu socdo baarista meydka labada marxuum, ka dibna ay la soo wadaagi doonaan bulshada natiijada ka soo baxday.
“Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa. Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan” ayaa lagu yiri warka Booliska Somaliland.
Sida oo kale,= Taliska Booliska Somaliland ayaa digniin u diray dadka baraha bulshada ku faafinaya wararka “beenta ah” ee ku saabsan kiiskan, iyaga oo faray in ay ka digtoonaadaan faafinta xogaha aan xaqiiqda ahayn.
Isha ku haay HBN ONLINE TV