Maraykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay xubno sare oo Daacish ah gobolka Bari

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqayn ay xalay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee Puntland lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan kooxda Daacish, ka dib markii ay kala kaashadeen sida hadalka ay u dhigtay dowladda Soomaaliya.

Duqeyntan ka dhanka aheyd Daacish oo taliska AFRICOM xusay in aanay jirin wax waxyeello ah soo gaartay dadka rayidka ah ayaa xalay waxay ka dhacday buuraha calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

Sidoo kale, AFRICOM ma uusan cadeyn magacyada xubnaha lala beegsaday duqeynta, inkasta oo la rumaysan yahay in halkaasi ay joogaan masuuliyiinta ugu sareysa kooxda ISIS ee Soomaaliya oo gabaad ka dhigtay Buuraha silsiladaha ah ee Calismaadkaad.

Puntland oo faahfaahin ka bixisay duqeynta ayaa sheegtay inay ka dhacday deegaanka Darar-Madoobe ee Calmiskaad, taasi oo lagu dilay 12 Daacish ah oo ay ku jireyn xubno sare.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed